Atariishada taxanaha Turkiga ee Hercai, Ebru Sahin ayaa ka hadashay xiriirka jaceyl ee kala dhaxeeyo wiilka ay saaxiibka yihiin ee Cedi Osman.

Ebru Sahin ayaana jaceyl dhab ah u qaaday Cedi Osman sanadkii hore mudo haatan laga joogo 7 bilood waxaana labadooda ka dhaxeeyo xiriir jaceyl oo aad u xoogan, kaasoo aanan saxaafada ka qarsaneyn mar horana banaanka usoo baxay.

Ebru oo ka hadlaysay kala fogaanshaha iyada iyo saaxiibkeed maadaama ay ku mashquulsantahay howsha jilista taxanaha Hercai ayaa tiri; “Dabcan waxaa jiraan waqtiyo aan ku dhibtoono sidoo kalana caajis ku dareeno masaafada dheer ee inoo dhaxeysa, balse labadeena ruuxo wax masaafi ah uma dhaxeyso”.

Ebru oo hadalkeeda sii wadato kana hadleysay sida labadooda midba kan kale howlihiisa gaarka ah u ixtiraamo ayay tiri; “Waa isku kalsoonahay sidoo kalana waan is taageernaa dhammaan duruufaha jira gaar ahaan nolosheena gaarka ah”

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here