Waxaa la xaqiijiyay in Aston Villa ay haatan noqotay kooxdii ugu dambeysay ee uu ku dhaco cudurka Coronavirus.

Tani waxay ka dhacday gudaha garoonka tababarka iyadoo tiro kiisas ah ay xaqiijiyeen dad ka shaqeeya xarunta.

Qof u dhow dhanka shaqada Steven Gerrard ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu ka mid yahay kuwa laga helay cudurka, Villa ayaana qaaday taxaddar ay wax kaga qabaneyso arrintaas.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Tababarkii Axaddii ayaan ka dhicin Bodymoor Heath, iyadoo kooxdu ay dooratay inay kansasho iyagoo eegaya inay joojiyaan faafitaan kale oo ka dhacaya.

Aston Villa ayaa sabtidii la tartantay Liverpool, taasoo keentay xoogaa walaac ah, inkastoo aysan jirin kiisas dhanka Jurgen Klopp ah.

Villan ayaa haatan lagu wadaa inay wajahdo Norwich City talaadada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan