Philippe Coutinho ayaa dhaliyay gool soo daahay oo barbardhac ah kulankiisii ​​​​ugu horreeyay iyadoo Aston Villa ay ka soo kabsatay labo gool kulan ku soo dhamaaday barbaro 2-2.

Kooxda martida ahayd ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay shan daqiiqo oo kaliya Bruno Fernandes ayaana shabaqa dhex dhigay isagoo hogaanka u dhiibay United.

Fernandes ayaa sii dheereeyay hogaanka ciyaarta qeybtii labaad markii uu darbo xoogan oo uu ka soo tuuray meel 15 yard u jirta ay ku dhacday birta sidaasna ku dhalatay.

Laakiin tababaraha Villa Steven Gerrard ayaa u yeeray Coutinho oo ka soo kacay kursiga kaydka, wax yar kadib go’aankaas ayay heleen dariiqii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen.

Aston Villa ayay shan daqiiqadood oo kaliya ku qaadatay inay meesha kaga saarto laba gool oo ay Manchester United la timid labadii qaybood ee ciyaarta.

Manchester United ayaa 2-0 ku hoggaaminaysay ciyaarta daqiiqaddii 76aad waxaana labada gool ba u saxeexay Bruno Fernandes, hase yeeshee Philippe Coutinho oo kulankiisii ugu horreeyey u saftay Aston Villa iyo Aaron Ramsey ayaa min hal gool kaga dhaliyey shan daqiiqadood gudahood.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan