Romelu Lukaku ayaa dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay Premier League tan iyo bishii September, halka Jorginho uu labo jeer rigoore dhaliyay, iyadoo Chelsea ay 3-1 kaga badisay Aston Villa.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa gool looga hormaray goolkaasi uu iska dhaliyay Reece James daqiiqadii 28-aad, laakiin wax yar  ka dib waxaa rigoore uu dhaliyay Jorginho.

Lukaku oo badel ku soo galay qeybta hore ee ciyaarta ayaa markaas madaxa ku dhaliyay markii ugu horeysay ee horyaalka heerka koowaad tan iyo markii uu labo gool ka dhaliyay Villa garoonka Stamford Bridge 11kii Sebtembar, ka hor inta uusan Jorginho gool seddexaad dhalin rigoore kale waqtigii dhimashada. 

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Guushaan ayaa la micno ah in Chelsea ay la dhibco noqotay kooxda kaalinta labaad ee Liverpool oo kulan baaqi u yahay, halka Villa ay u dhacday kaalinta 10-aad ka dib markii ay hore u soo gashay kaalinta 9-aad ka dib guuldaradii xooganeyd ee Leicester City ka soo gaartay Manchester City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan