Mikel Arteta ayaa seegi doona kulanka muhiimka ah ee ay Arsenal gurigeeda ku soo dhawaynayso Manchester City sabtida ka dib markii laga helay xanuunka Covid.
39 sano jirkaan reer Spain ayaa galay go’doomin shalay taasi oo ka dhigan in todobaad uu ku jirayo karantiil ka hor inta aan tijaabo kale laga qaadin.
Arteta wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee kubbadda cagta Ingiriiska ah ee ku dhaca coronavirus bishii Maarso 2020 taasi oo sababta in horyaalka la istaajiyo.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Si kastaba ha ahaatee, Macalinka ayaa qaatay labada talaal ee Corona.
Caawiyaasha Steve Round iyo Albert Stuivenberg ayaa hadda maamuli doona kulanka sabtida ay la yeelanayaan hogaamiyayaasha Horyaalka.
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan