@Reuters

Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in kabtanka kooxda Pierre-Emerick Aubameyang laga saaray shaxdii sabtida ee Premier League ee ay la ciyaareen Southampton sababo anshax dartood.

32-sano jirkaan ayaa kooxda ku jiray kana baxay xilli ciyaareedkan iyadoo ay jiraan warar isdaba joog ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa, halka uusan wax gool ah ka dhalin Premier League tan iyo 22-kii October.

Aubameyang ayaa 5-daqiiqo oo kaliya ka soo muuqday kulankii Everton ee kulankii ugu dambeeyay isaga oo iska khasaariyay fursad soo daahday oo uu kooxdiisa ku heli karay hal dhibic, waxaana gabi ahaanba laga saaray shaxdii galabta ee Southampton.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo ka hadlayay wareysigiisa ka hor ciyaarta, Arteta wuxuu xaqiijiyay in ka tagista kabtanka ay sabab u tahay “xadgudub anshax”, iyadoo Aubameyang uu sidoo kale seegay tababarka Jimcihii.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan