Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay kooxda Lyon iyaga oo ka doonaya xiddiga khadka dhexe ee Bruno Guimaraes .

24-sano jirkaan ayaa weli boos joogto ah ka heysta Les Gones tan iyo imaatinka Peter Bosz , isagoo soo ciyaaray 22 jeer tartamada oo dhan wuxuuna sameeyay shan caawin sameeyay waqtigaas.

Guimaraes ayaa qandaraas kula jira garoonka Groupama ilaa xagaaga 2024, laakiin Lyon ayaa ku dhibtoonaysa in ay wax ka qabato heshiiska xidigan xilli ciyaareedkan iyada oo lala xiriirinayo meel kale.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Haddaba, saxafiga Nicolo Schira ayaa sheegay in Arsenal ay sare u qaadayso dadaalka ay ugu jirto saxiixa xiddigan isaga oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay: “Arsenal waxa ay runtii aad u xiisaynaysaa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Olympique Lyonnais ee Bruno Guimaraes, Edu waa uu jecel yahay isaga oo wadahadalo la furay si uu isugu dayo saxiixiisa”.

Lyon ayaa la filayaa inay dalbato dalab 38 milyan ginni ah si ay u iibiso Guimaraes, kaasoo dhaliyay seddex gool todoba kalena caawiyay 68 kulan oo uu u saftay Les Gones tan iyo markii uu ka yimid Athletico Paranaense 2020.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan