Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso heshiis is dhaafsi ah oo ay ku lug leeyihiin weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Aaron Ramsey .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Wales kuma guuleysan inuu saameyn ku yeesho kooxda ka dhisan Serie A sidii uu rajayn lahaa, iyadoo dhibaatooyin dhaawac oo isdaba joog ah ay qeyb weyn ka qaateen waqtigiisa xaddidan ee Italy, kaliya seddex kulan ayuu saftay xilli ciyaareedkan.

Aubameyang ayaa laga xayuubiyay shaqadii kabtanimada ee Emirates horaantii bishaan sababo la xiriira anshax , waxaana mustaqbalkiisa Gunners uu mugdi ku jiraa, iyadoo Barcelona ay sidoo kale ka mid tahay kooxaha xiiseynaya.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Four Four Two ayaa soo wariyay in Arsenal ay dooneyso Ramsey inuu ku laabto Waqooyiga London hadii ay doonayaan inay Aubameyang ka iibiyaan Juventus, iyadoo Mikel Arteta la rumeysan yahay inuu ka walaacsan yahay qiimaha xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon .

Ramsey ayaa u saftay Gunners 371 kulan intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2019, mudadaas waxa uu u dhaliyay 65 gool, waxaana uu caawiye ka ahaa inta ugu badan ee Arsenal, mana awoodin inuu tiradan oo kale ka sameeyo Juve.

Dhanka kale Aubameyang ayaa Emirates yimid sanadkii 2018 markaas oo uu kaga soo biiray Borussia Dortmund wuxuuna u dhaliyay 92 gool 163 kulan oo uu u saftay kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan