Arsenal ayaa sii wada wadahadalada ay Juventus kula jirto Arthur Melo maanta.

TMW ayaa sheegay in wadahadalada cusub ee Arsenal ay la yeelan doonto kooxda reer Talyaani ay ku dhowdahay inay dhacaan.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadaladii ugu horeeyay ay caqabad ku noqdeen kooxda Serie A oo doonaysa lacag badan iyo amaah waqti dheer ah.

Waxaa la sheegaa in kooxda reer Talyaani – oo hadda ku jirta kaalinta toddobaad ee horyaalka – ay raadinayso ikhtiyaar ay ku iibsato qayb ka mid ah heshiis suurtagal ah.

Arsenal ayaa dooneysa inay sii wadato baacsiga Arthur inkastoo Thomas Partey uu ka soo laabtay Koobka Qaramada Afrika.

Kooxda haatan waxaa amaah ku jooga labo ciyaaryahan oo khadka dhexe ah iyadoo Matteo Guendouzi uu ku soo caan baxay Marseille iyo Ainsley Maitland-Niles oo dhawaan si ku meel gaar ah ugu biiray Roma .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan