Arsenal ayaa qarka u saaran inay wadahadalo dheeri ah la gasho Juventus si ay ula soo wareegto Arthur.

Gunners ayaa rajeyneysa inay bishaan ku soo kordhiso awood dheeri ah kooxda, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil ayaa ah mid si joogto ah loola xiriirinayo.

25 jirkaan ayaa sideed kulan u saftay Serie A xilli ciyaareedkan Juventus, laakiin waxaa doonaya Mikel Arteta heshiis waqti gaaban ah isagoo la tacaalaya dhaawacyo kooxdiisa.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya talyaaniga, Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay sii wadato wadahadalo dheeri ah oo ay la gasho Marwada Duqda ah si ay u hesho Arthur inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.

Gunners ayaa rajeyneysa inay ku soo qaadato heshiis amaah ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin Juventus ayaan haatan dooneyn inay u ogolaato inuu baxo ilaa ay soo kaxeyso qof kale oo bedela.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan