Arsenal ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay ku guul darreysatay inay xakameyso ciyaartoydeeda kulankii ay guuldarada 2-1 ah kala kulmeen Manchester City maalintii sanadka cusub.

Gunners ayaa si qaldan ula tacaashay go’aamo dhowr ah oo muran dhaliyay oo ay gaareen garsoore Stuart Attwell iyo garsooraha VAR Jarred Gillett , iyadoo Man City lagu abaal mariyay rigoore ka dib markii Attwell loo diray inuu eego kormeeraha qalad uu Granit Xhaka ku galay Bernardo Silva .

Ciyaartoyda Arsenal ayaa isku dayay inay hareereeyaan Attwell ka dib go’aankii lagu saaray Gabriel Magalhaes oo labo jaale qaatay.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Xidhiidhka FA-ga ayaa haatan xaqiijiyay eedaymahan iyaga oo bayaan ay soo saareen ku yidhi: “Arsenal FC waxa lagu soo oogay in ay jabisay xeerka FA-ga ee E20.1 kadib ciyaartii Premier League ee ay la ciyaartay Manchester FC sabtidii [01/01/22].

“Waxaa lagu eedeeyay in Arsenal FC ay ku guuldareysatay inay hubiso in ciyaartoydeeda ay u dhaqmeen si habsami leh daqiiqadii 59aad, kooxduna waxay haysataa ilaa Jimcaha [07/01/22] inay ka jawaabto.”

Goolhayaha Arsenal Aaron Ramsdale ayaa ku weeraray “iswaafaq la’aan” ku hareeraysan go’aamadii Attwell intii lagu jiray guuldaradii ka soo gaartay kooxda heysata horyaalka, halka Pep Guardiola uu qirtay in Gunners ay ahayd kooxdii ugu fiicneyd maalintaas.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan