Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay hogaamineyso safka loogu jiro weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay naadigiisa Talyaaniga intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo shabaqa soo taabtay 18 jeer 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Vlahovic ayaa diidan inuu heshiis cusub u saxiixo Fiorentina, taasoo la micno ah in la iibin karo sanadkan, iyadoo weeraryahanka uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2023.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Juventus , Tottenham Hotspur , Manchester United iyo Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha kale ee la rumeysan yahay inay isha ku hayaan xaalada Vlahovic.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Athletic , Arsenal ayaa weli ku jirta booska ugu xoogan si ay ula soo saxiixdaan da’yarkii hore ee Partizan.

Gunners ayaa la rumeysan yahay inay dhawaan Fiorentina u bandhigtay 46 milyan ginni oo lagu daray ciyaaryahanka khadka dhexe ee Uruguay Lucas Torreira si ay ula soo wareegto Vlahovic.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan