Arsenal ayaa heshiis cusub ka saxiixanaysa tababare Mikel Arteta .

Arteta ayaa qarka u saaran inuu u gacan geliyo Arsenal heshiis cusub oo labo sano ah iyadoo kooxda ay ka go’an tahay inay iska difaacdo xiisaha Manchester City .

39-sano jirkaan, ayaa heshiiska kooxda Arsenal ee  Emirates wuxuu kaga egyahay 2023.

Daily Mail ayaa sheegeysa in Arteta loo soo bandhigi doono qandaraas cusub ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Everton ayaa ku faraxsan in kooxda u soo bandhigto wadahadalo lagu kordhinayo joogistiisa.

Kordhin kasta oo lagu sameeyo waxa loo gacan gelin doonaa mushahar kordhinta 5 milyan ginni ee uu sannadkii ka qaato Waqooyiga London.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan