Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay heshiis is dhaafsi ah la gasho Barcelona si ay u fasaxdo kabtankii hore ee Pierre-Emerick Aubameyang .

Isagoo laga xayuubiyay kabtanimada kooxda lagana saaray usbuucyadii dhawaa, xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon ayaa la rumeysan yahay inuu eegin karo dookhyadiisa ka hor suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Iyadoo Aubameyang uu qandaraaskiisu dhacayo 2023 oo uu 33 jirsan doono sanadka cusub, Arsenal ayaa loo malaynayaa inay u furan tahay inay iska iibiso ciyaaryahankii hore ee Borussia Dortmund 2022.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay The Mirror , heshiis is dhaafsi ah oo lala galo Barcelona ayaa haatan laga yaabaa inuu soo baxo, iyadoo Catalans ay dooneyso inay u soo xerogeliso Aubameyang si ay u xaliyaan dhibaatada weerarka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele ay yihiin labo musharax oo u dhaqaaqi kara Waqooyiga London, iyadoo midka dambe uu geli doono lixda bilood ee ugu dambeysa qandaraaskiisa Camp Nou.

Aubameyang ayaa dhaliyay todobo gool 15 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan, laakiin 32 jirkaan ayaan wali la hubin kulanka Boxing Day-ga ee Norwich City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan