Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa Douglas Luiz ayaa lagu soo waramayaa inuu u soo baxay bartilmaameed macquul ah oo Arsenal ku haboon.

23 jirkaan ayaa wacdaro dhigay tan iyo markii uu ka tagay Manchester City kuna biiray Villa bishii Luulyo 2019, isagoo wadar ahaan u saftay 93 kulan tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu qandaraaskiisa ka harsan yahay wax ka yar 18 bilood, maamulaha Steven Gerrard ayaa soo jeediyay in wadahadalada ku saabsan shuruudaha cusub aysan wali bilaaban

Sida laga soo xigtay Evening Standard , Arsenal ayaa laga yaabaa inay hadda u muuqato inay ka faa’iidaysanayso iyagoo isku dayaya inay la soo wareegaan xidigan khad dhexeka dheela  ka hor dhamaadka Janaayo.

Gunners ayaa u muuqata mid waayi doonta xiddiga Lyon ee Bruno Guimaraes kaas oo u muuqda in uu dhamaystiri doono heshiiska uu ugu biirayo Newcastle United maalmaha soo socda.

Si la mid ah Guimaraes, Luiz waa ciyaaryahan Brazil ah, wax la filayaa in Villa ay dalbato in ka badan 30 milyan ginni.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan