Arsenal ayaa dib u soo noolaynaysa xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Dejan Kulusevski.

Gunners ayaa u weecanaysa Kulusevski ka dib markii ay arkeen ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon Bruno Guimaraes oo ka go’an inuu u dhaqaaqo Newcastle.

La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaysa in Arsenal ay haatan xiriir cusub la samaynayso Juve si ay u hesho xiddiga reer Sweden ee Kulusevski.

Gunners ayaa xiisaheeda soo bandhigtay Khamiistii iyadoo Juve ay diyaar u tahay iibka Kulusevski.

Bianconeri ayaa diyaar u ah inay iska iibiso iyagoo doonaya inay ku maalgeliyaan 75 milyan oo euro oo ay ku doonayaan weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic, oo sidoo kale ahaa bartilmaameed hore oo Arsenal ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan