@Reuters

Kooxda reer Saudi Arabia ee Al Nassr ayaa lagu soo waramayaa inay dalab amaah ah ka gudbisay weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang .

32-sano jirkaan ayaan u ciyaarin Gunners tan iyo markii laga xayuubiyay kabtanimada bishii hore, inkastoo uu dhawaan ka tirsanaa xulka Gabon ee ka qeyb galayay Koobka Qaramada Afrika.

Arbacadii lasoo dhaafay tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in Aubameyang uu ku soo laabtay kooxda ka dib cabsi caafimaad oo ka dhalatay coronavirus, iyadoo xiriirka Gabon uu sheegay in baaritaanno caafimaad lagu ogaaday “nabarrada wadnaha” ka dib caabuqa COVID-19

Arteta ayaa sheegay in weeraryahanku “ku socdo baaritaanno gaar ah”, iyadoo Gunners ay go’aansatay inay hubiso “inuu badqabo oo xaaladiisu wanaagsan tahay”.

Si kastaba ha ahaatee, ma muuqato mustaqbalka garoonka Emirates ee Aubameyang, sida laga soo xigtay CBS Sports , dhinaca kale, Al Nassr ayaa dalab amaah ah u dirtay weeraryahanka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Saudi Arabia ay ku qasban tahay inay la saxiixato ku guuleystaha FA Cup heshiis 6.6 milyan ginni dhamaadka ololahan.

Aubameyang ayaa dhaliyay 92 gool waxaana loo diwangeliyay 21 caawin 163 kulan oo uu u saftay Arsenal tan iyo markii uu kooxda uga soo biiray Borussia Dortmund bishii Janaayo 2018

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan