Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay u calaamadsatay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Georginio Wijnaldum bartilmaameed suuqa ee January.

xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa beeca xorta ah kaga tagay Liverpool xagaagii hore, isagoo ku biiray PSG

31 jirkaan ayaa ka baxay safka Mauricio Pochettino isagoo sagaal ka mid ah 21 kulan u saftay Ligue 1 iyo Champions League oo uu ka soo kacay kursiga keydka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Xili Wijnaldum la sheegay inuu u furan yahay bixitaan, FourFourTwo ayaa soo jeedineysa in Arsenal ay qiimeyneyso qaab amaah ah oo ay ku qaadaneyso ciyaaryahanka.

PSG ayay u badan tahay inay ka fikirto bixitaan waqti gaaban ah Wijnaldum haddii aysan ku kala tagi karin xubnaha kale ee kooxda ka hor dhamaadka bishaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan