Arsenal ayaa guul weyn oo 3-0 ah garoonkeeda kaga gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league sabtidii.

Mikel Arteta ayaa shaxdiisa ka saaray Pierre-Emerick Aubameyang sabtidii kadib “xadgudub anshaxeed”, laakiin Alexandre Lacazette ayaa u soo istaagay in uu goolka furitaanka udhaliyo Daqiiqadii 21aad ka hor inta uuna Martin Odegaard dhalin goolka labaad ee qaybtii hore ee ciyaarta Daqiiqadii 21aad iyadoo lagu kala nastay labadaasi gool.

Gabriel ayaa dhaliyay gool seddexaad ka dib nasashada Ciyaarta oo socota 62 Daqiiqo ka hor inta uusan Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka mid walba laga beenin kubado.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Saints ayaa shan kulan guul la’aan ah waxayna lix dhibcood oo kaliya ka sarreeyaan booska loogu laabanayo heerka labaad, laakiin guusha ayaa Arsenal gaartay ayaa soo yareneysa Farqigeeda kaalinta Afaraad oo West Ham united ku jirto madama Gunners ay leedahay 26 Dhibcood halka West ham ay leedahay 27 dhibcood kuna darto waxaa West ham u harsan kulan.

Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda ay isku xafiiltamaan ee West Ham Arbacada, halka Southampton ay isla maalintaas u safri doonto Crystal Palace.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan