Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa in labadoodaba loo soo bandhigay fursad ay amaah kula soo saxiixan karaan Alvaro Morata ka hor maalinta Isniinta.

Kooxaha ku loolamaya Waqooyiga London ayaa labaduba ku hungoobay suuqa bishan waxana ay halis ugu jiraan in ay soo afjaraan suuqa iyaga oo aan wax weyn ka soo galin.

Morata – oo amaah ugu jooga Juventus kana yimid Atletico Madrid – ayaa mustaqbal aan la hubin ku wajahaya Turin ka dib imaatinka Dusan Vlahovic waxaana marar badan lala xiriirinayay inuu u wareegayo Barcelona .

Haatan, The Times ayaa sheegtay in Morata uu haatan ka sarre maray shuruudaha Juventus, waxaana loo soo bandhigay Arsenal iyo Tottenham, iyo sidoo kale Newcastle United .

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in u dhaqaaqista Barcelona ay aad u yar tahay marka loo eego khilaafka joogtada ah ee Catalans iyo Ousmane Dembele , wakiilka Morata ayaa sidoo kale meesha ka saaray rajada uu u wareegayo Catalonia.

Morata ayaa sideed gool dhaliyay 5 kalena caawiye ka ahaa 29 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan isaga oo xidhan funaanada Juventus,waxana qandaraaskiisa Atletico uu dhacayaa 2023.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan