Eddie Nketiah ayaa seddexleeyda dhaliyay iyadoo Arsenal ay u gudubtay semi-finalka EFL Cup ka dib markii ay 5-1 ku garaacday Sunderland.

Weeraryahanka da’da yar ee Eddie Nketiah  ayaa sii watay rikoorkiisa cajiibka ah ee tartanka, isagoo hogaanka u dhiibay arsenal daqiiqadii 17aad ee ciyaarta

Nicolas Pepe ayaa sidoo kale goolka labaad u dhaliyay Arsenal daqiiqadii 27aad ka hor inta uusan gool u soo celin kooxda Sunderland xidiga Nathan Broadhead ciyaarta oo socota 31 daqiiqo waxana lagu kala nastay 2-1

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Gunners ayaa laga dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee EFL Cup xilli ciyaareedkan marka la eego goolka uu dhaliyay Nathan Broadhead oo si qurux badan loo dhameestiray.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa heshay goolkeedii Saddexaad afar daqiiqo gudaheed markii dib loo bilaabay ciyaarta, Nketiah ayaana dhameesitay kubad karoos aheyd oo ka timid Tavares isla isaga ayaana goolkiisa Saddexaad ee ciyaarta dhaliyay markii uu shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Pepe.

Gunners ayaana ku soo afjartay goolasheeda gool ay ka heshay Patino oo dhameestiray kubad ka timid Pepe dhamaadka ciyaarta guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 5-1.

Arsenal ayaa la ciyaareysa Norwich City 26ka Diseembar kulan ka tirsan Horyaalka . Maalinta ku xigta, Sunderland ayaa la ciyaareysa Doncaster Rovers qeybta League One.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan