Gabriel Martinelli iyo Emile Smith Rowe ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta goolal u dhaliyay kooxda Arsenal oo 2-0 kaga badisay West Ham garoonka Emirates Stadium si ay Gunners ugu soo baxdo afarta sare ee Premier League.

Daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta Martinelli ayaa dhaliyay goolkii muhiimka ahaa wax yar ka dib markii dib la isugu soo laabtay, isagoo shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Lacazette

Gunners ayaa halkeeda ka sii wadatay dadaalkeeda qaybtii danbe ee ciyaarta waxaana rigoore ka qasaariyay Alexandre Lacazette, iyadoo Vladimir Coufal uu helay jaale labaad iyo casaan, laakiin waxaa badbaadiyay goolhayihii hore ee Arsenal Lukasz Fabianski.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, Smith Rowe oo bedel ku soo galay ayaa goolka labaad u dhaliyay Arsenal Daqiiqadii 87aad ee ciyaarta natiijada ayaana ka dhigan in Arsenal ay soo gasho kaalinta afaraad, iyagoo hal dhibic ka sareeya kooxda ay xafiiltamaan ee London ka dib 17 kulan.

Arsenal ayaa u safri doonta kooxda Leeds United sabtida garoonka Elland Road, halka West Ham ay isla maalintaa marti galin doonto kooxda dhibtooneysa ee Norwich City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan