Rodri ayaa waqtigii dhimashada dhaliyay goolka guusha iyadoo Manchester City Ay guul weyn oo 2-1 ah ka gaartay 10 ciyaaryahan oo Arsenal ah.

Arsenal ayaa gool la hormartay qaybtii hore, waxaana u dhaliyey da’yarka reer England ee Bukayo Saka oo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee gool ka dhaliyey Premier League sannadka cusub ee 2022,

Riyad Mahrez ayaa rikoodhe ku barbarreeyey qaybta labaad, halka uu waqtigii dheeraadka ahaa ee dhamaadka ciyaartana uu goolka guusha Manchester City u dhaliyey Rodri.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Arsenal ayaa noqotay toban ciyaartoy daqiiqaddii 59aad ee ciyaarta oo ahayd laba daqiiqadood oo kaliya kaddib goolka barbarraha ah ee Manchester City uu u keenay Riyad Mahrez.

Daqiiqaddii 90+3 ee waqtiga dheeraadka ah ee lagu daray ciyaarta ayay Manchester City heshay goolka guusha oo uu u dhaliyey laacibka reer Spain ee Rodri uu ka dhex ugaadhsaday labada difaac ee Ben White iyo Holdgate, isla markaana kubbad dhulka socota ka hoos  bixiyey goolhaye Aaron Ramsdale.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester City, waxaanay natiijadani siisay inay 11 dhibcood ku qabtaan hoggaanka horyaalka Premier League iyadoo leh 53 dhibcood, halka Chelsea oo labaad fadhidaa ay leedahay 42 dhibcood, hase yeeshee Axadda berri ayay Liverpool la ballansan yihiin, waxaana midkooda guuleystaaba uu soo yarayn karaa farqiga dhibcaha ay Man City ku hayso hoggaanka horyaalka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan