Jilayaasha caanka ah ee Bollywood Arbaaz Khan iyo Sohail Khan ayaa laguhelay faldambiyeed kadib markii lagu qabtay kiis ah inay ku xadgudbeen xeerarka COVID-19. Hay,ada nabad sugida (BMC) waxee diiwaan galisay kiis ka dhan ah labada jilaa iyo wiilka weyn ee Sohail Khan ee Nirvaan Khan.

Advertisement

Sida la sheegay, saddexdooda ayaa ka soo laabtay Dubai 25-kii Decembar waxaana la weydiiyay inay karantiil ku noqdaan hoteel sida ku xusan borotokoolka COVID-19 ee magaalada. Si kastaba ha noqotee, waxay tageen gurigooda iyagoo ka yimid garoonka diyaaradaha Mumbai. Dacwada waxaa laga diiwaangeliyey saldhigga booliska Khar ee ku yaal Mumbai iyada oo la raacayo Sharciga Ka Hortagga cudurka faafa.

Sida sharcigu qabo, ka dib markii uu dillaacay culeyska cusub ee COVID-19, rakaabka u safraya wadamada kale ee ka imanaya UK iyo UAE waxaa looga baahan yahay inay maraan karantiil hay’adeed muddo toddobo maalmood ah. Sida la sheegay, hadda seddexdooda waxaa la geeyay karantiil gudaha Taj Lands End, Bandra oo ay leedahay hay’ada BMC.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here