Tababaraha Tottenham Hotspur Antonio Conte ayaa ku adkeystay in kooxdiisu ay “diyaar u tahay” inay wajahdo Liverpool axada, in kasta oo ay sii kordhayaan kiisaska coronavirus.

Spurs ayaa seddexdii kulan ee ugu dambeysay laga  hakiyay fayraska Corona dartiis, iyadoo bartamihii isbuuca laga joojiyay kulankii Leicester City sababo la xiriira caabuqyada ka dhex jira shaqaalaha ciyaarta ee Foxes.

Wadar ahaan, sagaal kulan oo Premier League ah ayaa hadda dib loo dhigay, oo ay ku jiraan kala bar kulamadii la qorsheeyay usbuucan, laakiin Conte ayaa ku faraxsan inuu arko kulanka Axadda ee Anfield ka dhacaya.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Fikirkeyga waxaan diyaar u nahay inaan raacno sharciga, waxaana u maleynayaa inay tahay waxa ugu muhiimsan, hadii ay jiraan sharciyo, markaas hubaal waa in sharcigu isku mid noqdo dhamaan kooxaha” ayuu Conte u sheegay saxaafada.

Ciyaarta ay Tottenham gurigeeda kula ciyaari doonto Liverpool ayaa noqon doonta kulankoodii ugu horeeyay muddo laba todobaad ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan