Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in Harry Kane uu udub dhexaad u yahay mustaqbalka kooxda.

Kabtanka England ayaa ku guuldareystay inuu baxo xagaagii hore, waxaana uu xaqiijiyay inuu sii joogi doono Waqooyiga London xilli ciyaareedka 2021-22.

Kane ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago Spurs xilli ciyaareed kale oo aan wax koob ah ku jirin, laakiin Conte wuxuu rumeysan yahay in 28-jirka uu “gebi ahaanba ku lug leeyahay” Tottenham.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Waan ogaa xaalada xagaagii hore markii Harry uu go’aansaday inuu sii joogo Tottenham, haddii aan rabno inaan ka fikirno inaan dhisno wax aan ku guuleysano, Harry waa inuu noqdaa udub dhaxaad Conte. ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Kane ayaa dhaliyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Tottenham Premier League, taasoo ka dhigeysa goolashiisa xilli ciyaareedka 11 gool 25 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan