Anthony Martial ayaa ku adkeystay in uusan diidin in uu ka mid noqdo kooxda Manchester United ee sabtida la ciyaareysa Aston Villa .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa u sheegay Red Devils inuu doonayo inuu baxo bishaan, islamarkaana uusan ku lug laheyn kooxda tan iyo markii uu muujiyay rabitaankiisa inuu u dhaqaaqo.

Ka dib barbarihii 2-2 ay la galeen Villa sabtidii, tababaraha ku meel gaadhka ah ee Man United Ralf Rangnick ayaa sheegay in Martial uu diiday in lagu daro safarka ee Villa Park.

Si kastaba ha ahaatee, 26 jirkaan ayaa ku adkeystay inuu ku lug lahaan lahaa kulanka Steven Gerrard hadii uu soo dooran lahaa tababaraha.

“Weligay ma diidi doono inaan kulan u ciyaaro Manchester United, waxaan halkan joogay muddo todobo sano ah, weligay wa ixtiraami doonaa” ayuu Martial ku soo qoray Instagram-ka.

Xiddiga reer France, oo si xoogan loola xiriirinayay Sevilla , ayaa kaliya dhaliyay hal gool 10 kulan oo uu u saftay 20 jeer horyaalka Ingariiska intii lagu jiray ololaha 2021-22.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan