Da’yarka Manchester United Anthony Elanga ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu saxiixo qandaraas cusub oo waqti dheer ah si uu u sii joogo Old Trafford.

19 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa wacdaro ka dhigay heerka dhalinyarada Red Devils ololahan, isagoo u dhaliyay shan gool, islamarkaana diiwaan geliyay seddex caawin 11 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Daily Telegraph , Elanga ayaa soo jiitay indhaha tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ralf Rangnick , United ayaana qarka u saaran inay da’yarkaan tayada leh ku abaal mariso qandaraas cusub oo horumarsan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Elanga ayaa kulankiisii ​​ugu horeysay ee tartan rasmi ah u saftay Red Devils kulankii Leicester City bishii May, waxaana tan iyo markaas uu afar jeer oo kale u saftay kooxda waaweyn, oo ay ku jiraan labo jeer oo uu ka hoos ciyaaray Rangnick.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa bedel ku soo galay 14-kii daqiiqo ee ugu dambeysay guushii 1-0 ay ka gaareen Crystal Palace horaantii bishaan, ka hor inta uusan ciyaarin 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay ee wareega group-yada Champions League ee ay la ciyaarayeen Young Boys. taasoo ku dhamaatay 1-1.

Elanga ayaa horay u qirtay inuu diyaar u yahay inuu amaah uga tago kooxda si uu ugu ciyaaro boos joogta ah, si kastaba ha ahaatee wuxuu haatan diyaar u yahay inuu u dagaalamo boos ka mid ah kooxda koowaad.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan