Daafaca dhexe ee kooxda chelsea ee Andreas Christensen ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawyahay in uu heshiis la gaadho kooxda Barcelona kaas oo ku saabsan in uu si xor ah ugu biiro Camp Nou.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaan weli qalinka ku duugin heshiis cusub oo uu kula jiro kooxdiisa haatan, waxaana uu xor u yahay inuu heshiis horudhac ah u saxiixo koox ajnabi ah bisha Janaayo, iyadoo qandaraaskiisa Stamford Bridge uu ku eg yahay bisha June ee soo socota.

Barcelona ayaa si xoogan loola xiriirinayay daafaca isbuucyadii lasoo dhaafay, sida laga soo xigtay Sport , heshiiska labada dhinac ayaa ku dhow in la dhameystiro.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda reer Catalan ay la xiriirtay Christensen “muddo toddobaadyo ah”, 25-sano jirkaan “wax niyad ah” uma hayo inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Chelsea.

Ciyaaryahanka reer Denmark ayaa ciyaaryahan muhiim ah u ahaa kooxda Thomas Tuchel intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo saftay 19 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay hal gool iyo hal caawin.

Christensen, oo hore laba xilli ciyaareed amaah kula soo qaatay kooxda reer Jarmal ee Borussia Monchengladbach, ayaa kasoo muuqday 146 kulan oo uu u saftay Blues tan iyo markii uu kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay 2013kii.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan