Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa beeniyay inuu dhibaato ku qabo Eden Hazard iyo Gareth Bale .

Tababaraha reer Talyaani ayaan u muuqan mid qorshihiisa ku darsanlday Hazard, maadaama uusan gabi ahaanba kasoo muuqan labadii kulan ee ay Real Madrid ku ciyaartay Supercopa de Espana todobaadkii hore, halka Bale uu dhowr kulan dhaawac ku seegay.

“Ma jiro wax ku dhacay Hazard” ayuu yiri Ancelotti ka hor kulankooda Copa del Rey ee Elche .

“Waxa kaliya ee [waxa ay tahay] in uu tartan ka dhex jiro kooxda, waana in aan doortaa [ciyaartoyda] ugu fiican kulan kasta, tani waxa ay saamaysaa ciyaartoy badan, ma diidi karo, waxba ma dhicin, [Hazard] waxa uu sugayaa wicitaanka tababaraha, waxaan filayaa inuu diyaar noqon doono Markaasi.

“Xilligan la joogo wali waa ciyaaryahan Real Madrid ah, waa uu tababarka qaadanayaa, diiradana wuu saaray, ma jirto wax kale oo aan ka fikirno.

“Ma jiro wax la yaab leh oo ku dhacay [Bale iyo Hazard], waa kaliya in uu jiro tartan iyo tababaraha, oo ah aniga, waa in aan doorto [line-upka] ugu fiican kulan kasta.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan