Ananya Panday iyo Ishaan Khatter oo maalmahaan aad iskuugu dhawaayeen dhanka shaqada waxay u duuleen magaalada Maldives sanadka cusub.

Advertisement

Ishaan oo sanadkii hore lagu xamanaayay Sara ali khan iyo Jhanvi kapoor ayaa haatan waqti fiican kula qaadanaya Jaziirada Maldives . Maadaama ee kanasanayaan shaqooyinka jiliinka, labadooda waa saaxiibo aad iskuugu dhaw si gaar ah ayeena iskuugu raaceen Jaziirada loo dalxiis tago

Dhanka shaqada, Ananya Panday iyo Ishaan Khatter waxay dhawaan wada jileen filimka agaasime Maqbool Khan ee ‘Khaali Peeli’. Ananya waxaa lagu arki doonee sido kale filmka ee wada jilayaan Siddhant Chaturvedi iyo Deepika Padukone oo ah film aanu wali uu magac ubixin agaasime Shakun Batra .

Ishaan ayaa dhankiisa lashaqeyn doona Katrina Kaif iyo Siddhant Chaturvedi filmkooda ‘Phone Bhoot’ ee uu agaasimay Gurmeet Singh.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here