Wararkii ugu dambeeye ee kooxda iyo safafka la saadaaliyay ka hor ciyaarta Manchester United lugta labaad ee Europa League vs Real Sociedad.

Manchester United ayaa isha ku heysa inay xaqiijiso inay u gudubto wareega xiga ee Europa League markii ay kulmaan Real Sociedad caawa oo Khamiista ah.

Wiilasha Ole Gunnar Solskjaer ayaa 4-0 ugu soo adkaadeen lugta kowaad Turin kooxda Real Sociedad todobaadkii hore waxayna u soo bixi doonaan wareega xiga 8da balse waa hadii United iska ilaaliso guuldarro lama filaan ah oo ku soo gaarta Old Trafford cawa.

Henderson ayaa laga yabaa inuu ku soo bilowdo goolka, halka ay United woodi karta inay bedesho afarta daafac oo dhan iyadoo soo xulani karta difaacyada kala ah Brandon Williams, Alex Telles, Eric Bailly iyo Axel Tuanzebe sidoo kale waxaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo Nemanja Matic si la mid ah Axada da’yarka Galbraith ayaa cawa macquul noqoni karta inuu markiisa ugu horeeysay ka soo muuqani doono kooxda koowaad si la mid tartanka Uefa Champion league.

Solskjaer ayaa horay u sheegay in Amad aanu ku bilaabani doonin shaxada laakiin shaxdaadan oo kumaanan shaqsiyeed sadaaliyeen ayuu qeeb kaga noqday Juan Mata, Mason Greenwood Daniel James ayaa laga yabaa inay ku soo bilawdaan werarka.

Shaxada la filaayo.

            Henderson 

Williams Bailly Tuanzebe Telles

              Galbraith   Matic 

Amad mata James

                      Greenwood

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here