Muddo soddon sano kor u dhaaftay, ayaa nimankii Soomaaliyeed (ma oran karo RAGGII Soomaaliyeed) waxay dhex hoganayaan Aqal Weynoo (i.e. Dal) burburay oo dhiiqo iyo qashin ka buuxaan. Meelo ka mid ah aqalku waxay noqdeen bahallo-galeen.

Waxaa illaa hadda la garan la’yahay, in bal marka hore aqalka dib loo dhiso, keddibna lugu dhaqaaqo sidii qolalkiisa (i.e. xafiisyadiisa) oo dayactiran, loogu adeegi lahaa bulshada Soomaliyeed.

Advertisement

Waxaa kaloo la garan la’ yahay in meela yaryaroo ka mid ah aqalka burburay aan laga dhigi karin xafiisyo.

Cayayaanka aynu wada naqaan ee ABOORKA la yiraahdo, wuxuu ugu horrayntii dhisaa DUDDUNTII uu hadhow ku dhex shaqaysan lahaa, amaba tolkiisa (i.e. Abooryahan) oo idili ay ku wada noolaan lahayeen.

Nimanka Soomaaliyeed waxay soddon sano beesha caaalamka ka sugayaan in aqalkooda loo dhiso.

Nasiib-darrose, beesha caalamku waxay aqal-dhiskii laga filayay, si xeeladaysan ugu baddashay, nidaam ku dhisan xabbad-joojin aan dhamaad lahayn (never ending truce) iyo doorashooyin khayaali ah (i.e. Virtual elections) oo afartii sanaba mar la qabto, si aan heshiiska xabbad-joojinta cidina u jebin.

Ilaahay amarkiis, nimanka Soomaaliyeed, waxay xataa ku cibraqaadan waayeen dadaalka iyo hawl-karnimada aboorka aan maskaxda lahayn ee ku shaqeeya qariisadda (i.e. instinct).

Marka aboorku dhisanayo duddunta, ma jiraan bahal iyo cayayaan kaloo u soo gurmada oo duddunta la dhisa!

Aboorku, waa mare, candhuufadiisa keliya ayuu ku dhisaa duddunta. Waa marka labaade, habaynkii keliya ( alyacni inta beesha caalamku huruddo kkk) ayuu dhisaa.

Intaas keddib, waxaa jira laba arrimood oo xusid mudan:

Kow:- waddamada horay u maray, gaar ahaan, kuwooda doofaarada dhaqda, waxay siiyaan cunno iyo caws waxtar leh iyo daawooyin (i.e. antibiotics), si doofaarku, durba, muddo gaaban uu u koro, una cayilo,si markaas loo geeyo kawaanka oo loo qasho.

Soomaaliduna waxay si degdeg ah, ugu dhalaan, una koriyaan carruurtooda, si markay qaangaaraan oo ay lixaad iyo awood yeeshaan, loo hubeeyo oo dagaal loo geliyo, si ay awooweyaasha, ayeeyooyinka, bahallada iyo dhagaxda lugu abtirsado, QURBAAN ahaan loogu loogo!

Waaxaa maanta ii muuqda in la soo gaaray xilligii mindiyo-soofaynta. Malaha dhallinyaradii baa wada kortay oo wada naaxday, diyaarna u ah in la qurbaano. Wadeeca Alla!

Labo:- nimankii Soomaaliyeed waxay u qaybsameen:-

1- Kuwo ku raaxaysanaya keliya AWOOWEYAASHEEN baa wax ahaan jiray!

2- Kuwo ku raaxaysanaya in nimankii awal yasi jiray amaba liidi jiray, ay maanta dhooqada ku wada jiraan!

3- Kuwo garashadii iyo caqligii ka kaaftoomay oo ay ka soo hartay “Ninkii Caddaa, ama ninkii Carabka  ahaa, wuxuu yiri, ama lahaa”!

4- Kuwo ku hamminaya in kuwa halka lug kula jira dhooqada, labada lugoodba loogu geliyo!

5- Kuwo qurbaha ku kala nool oo horay uga soo cararay dhibtii iyo gabood-falladii loo soo gaystay oo hadda ku raaxaysanayaa in kuwii dhibta usoo gaystay ay dhooqada ku dhex jiraan!

6- Kuwo, intaa falanqaynaya, kana doodaya dhooqada ay ku dhex jiraan oo camalba ka dhigtay ‘waraysiyo bixin, ayn, live-soo-gelid iyo soo saaaridda maqaallo ku qoran afaf qalaad’!

7- Kuwa, wanaag iyo run kastoo loo sheego ku CARIIQSANAYA, oo aan la soo marin karin, inay oggolaadaan wanaag, khayr ama XAL kastoo ka soo maaxday maskax kaloo aysan isku ROOXAAN (i.e. Beel) ahayn.

Rabbi tala ku filan

Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
hashiyosman@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Dalkaan.com. Dalkaan.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@dalkaan.com Mahadsanid

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here