Waqtiyadii ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay weerrarada ay fuliyaaan dadka isku soo rakiba jaakadaha laga soo buuxiyay walxaha qarxa ee fuliya weerrarada Al-Shabaab.

Waxaa ugu dambeeyay weerrarkii Axaddi uu qof isqarxiyay ku qaaday afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Mucalimuu, weerrarkaas oo la doonayay in mas’uulkaas lagu khaarajiyo.

Mucalimuu ayaa waxaa soo gaaray dhaawac loo dhigay isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, iyadoo goordhaweydna lagu qaaday diyaarad gaar ah oo ka qaadday magaalada Muqdisho si dibadda loogu soo dabiibo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerrarka.

Maxaa Shabaab ku kalifay inay isticmaalaan taaktikadan cusub?

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa yaraaday gawaarida laga soo buuxiyo walxaha qarxa ee lagu weerrari jiray dhismooyinka dowladda iyo hoteellada magaalada Muqdisho ee ay bartilmaameedsan jireen ururka Al-Shabaab.

Khubadara ku xeelka dheer arrimaha ammaanka ayaa ku doodaya inay suuragal tahay in Shabaab ay dhowr arrimood ku dhalisay inay si wayn u adeegsadaan dadka ay ku soo xiraan jaakadaha si ay weerraro u fuliyaan.

Haddaba Xuseen Macalim, waa madaxa Mac-hadka Hiraal ee ammaanka ka faallooda ee magaalada Muqdisho, ayaa sababta badashada weerrarada qofka isqarxinta ku tilmaamay: “Arrintan shakhsiyaadka la beegsanayo ee qofka isku soo xirayo bambadanada waxay aheyd midda hadda ugu sahlan oo ay isleeyihiin waad ku dhaawici kartaan xubno muhiim ah oo dowladda ah iyo dad ay shacabku xanuun ka dareemaayaan haddii wax loo gaysto”.

Xuseen waxa uu intaasi ku daray in “Shabaab dagaalkooda marwalba meesha ay ku xooggan yihiin ayey taktikadooda ku badiyaan oo marba tabtii u shaqaynaysa oo ay ka arkaan ducfiga xagga dowladda ayey xoogga saaraan.”

Maxaa badalay taaktikadii hore ee Shabaab?

Ciidammada dowladda ayaa ku doodaya inay middaasi ku timid deegaannadii ay Shabaabka weerraradaas ka soo abaabuli jireen oo weerraro lagu ekeeyay, deegaanno muhiim ah oo laga saaray iyo buundooyin ay gawaarida soo marsiin jireen oo la jaray, taasina waxa ay keentay in markasta oo Alshabaab ay masaafo ahaan laga fogeeyo caasimadda ay sii yaraadaan qaraxyada ay soo maleegaan.

Dhanka kale waxaa la xiray waddooyin badan oo ku yaal magaalada Muqdisho halkaas oo ay soo mari jireen baabuurta qaraxa sidda, halka koontaroollo la dhigay waddooyinka laga soo galo magaalada, walow taas aanay gebi ahaanba hor istaagin qarxayadii.

Hasayeeshee dadka ku xeelka dheer arrimaha ammaanka ee gobolka ayaa sheegaya inay jiraan taktiikis badan oo ay isticmaalaan, sida miinooyinka dhulka ay galiyaan, kuwa booda oo waayadan dambe gawaarida ku tuuran, bambooyinka gacanta laga tuuro, bistoolado dadka lagu khaarajiyo, iyo gawaarida qaraxa laga soo buuxiyo, hoteellada iyo goobaha dowladda oo ay galaan.

“Intaas oo tab ayey haystaan, oo marba midda lagu adkeeyo ma ahanee midda kale ayey u badalaan marka waxaan isleeyahay kuwii kale ayaa u shaqayn waayay,” ayuu yiri Xuseen Macallim.

“Baabuurta laga soo buuxiyo walxaha qarxa howshoodu aad bay u fara badan tahay, laakiin qofka iyo jaakadda loo soo galinaayo dad aad u yar iyo waqti kooban ayaa lagu sameeyaa, dabcan dad waxaa jira u diyaarsan inay isdilaan, halka bambada diyaarinteeda aanay waqti badan qaadanayn. Halka qofka baltilmaameedkana ay waqti qaadato in la helo jadwalkiisa.

Qorshaha dadka jaakadaha wata

Xuseen Macallin ayaa ku doodayaa inuu jiro liis ay Shabaabka ugu qoran yihiin dadka sarsare ee dowladda ku jira, iyadoo dhanka kale ay jiraan dad u qaabilsan Shabaab in muddada ciidammadooda ay tababarka siinayaan inay soo xulaan, qoraan oo ay tababar gaar ah siiyaan dadka jaakadaha lagu rakibo ee isqarxiya.

“Tababaro ayey siiyaan oo qofka isqarxinaya qalbigiisa ayaa la jilciyaa, kaddibna howlgal ayaa loo diyaariyaa, oo waxaa suuragal ah in meelo gaar ah lagu xanaaneeyo si uusan dad kale ula kulmin oo uusan u dhexgelin” ayuu yiri Xuseen.

“Marwalba way jireen dad jaakado wata laakiin xilliyada ayey kala duwaan oo markii ay ka arkaan inay il u furan tahay, ama jaakadaha ayey tiro ku filan u helaan, marna dadkii isqarxin lahaa ayey helaan… Marna way ku adkaataa oo dowladdaa xoog saarta ama wixii ay u baahnaayeen ayaa ka kala go’a.” ayuu yiri Xuseen Macallim.

Taxadarka weerrarada noocan oo kale ah

Khubarada ammaanka ayaa ku doodaya in hay’adaha amniga ee Soomaaliya ay shaqadooda tahay inay bixiyaan talooyinka ku saabsan weerrarada isqarxinta ah ee lagu beegsado madaxda dowladda iyo shacabka guudba.

Hasayeeshee si gaar ah waxa uu Xuseen Macallin oo hore u soo noqday lataliyaha madaxweynaha ee amniga qaranka ayaa sheegaya in dadka isleh inay bartilmaameed noqon karaan inay iska ilaaliyaan dhowr arrimood.

“Inay iska ilaaliyaan jadwal deggan oo inta loo fiirsado qofka lagu ogaan karo xilliyada uu baxo iyo meelaha uu tagaba, in qofku haddii uu awoodo inuu samaysto gawaarida aan xabbada karin ama ciidan isaga ka ilaaliyo inuu qof ku soo ordo iyo wax la mid ah,” ayuu yiri Xuseen Macallim.

Hasayeeshee dadweynaha ayuu sheegay in intaas ka dayacan yihiin balse ay tahay shaqada dowladda inay ilaaliso shacabka iyo madaxdaba.

“Shabaab difaac kaliya kuma filna, balse qaabka kale ee loogaga hortagi karo ayaa in ah la wiiqo awoodooda iyo in ay dowladda ka shaqeyso sidii ay Shabaab awood ugu waayi lahaayeen inay diyaariyaan dilalka noocaas ah.” ayuu yiri Xuseen Macallim madaxa Mac-hadka Hiraal ee ammaanka ka faalooda ee magaalada Muqdisho.

Dadka caanka ah ee isqarxinta lagu bartilmaameedsaday

Sanadihii la soo dhaafay waxaa waddanka Soomaaliya ka dhacayay qaraxyo intooda badan loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Hasayeeshee waxaa jira kuwo ay fuliyeen dad isku soo rakibay jaakado laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo bartilmaameedsaday dad caan ah ama goobo ay dad badan ku sugnaayeen.

Waa kuwan qaar ka mid ah weerraraii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen dadka isku xira jaakadaha laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo dadkii ku waxyeeloobayba.

Isha: BBC Somali


Source: dalkaan.com