Sanadii 2003 Director Priyadarshan wuxuu sameeyay filimka Hungama oo noqday mashruuc Classic ah kaasi oo sheekadiisa laga wada helay sidoo kalena guul weyn gaaray ganacsi ahaan waxaana wada jileen filimkaas shactirada badnaa Akshaye Khanna, Aftab Shivdasani, Paresh Rawal iyo Rimi Sen ilaa haatan filimkan mid aad loo jecel yahay.

Advertisement

18-sano kadib Hungama 2 ayaa diyaarsan ama qaybta labaad filimkii Hungama isla Director Priyadarshan ayaa agaasimay balse markaan hogaamiyaashii qaybta kowaad kaliya waxaa laga soo celiyay Paresh Rawal halka dhamaan jilaayaasha kale ku cusub yihiin filimkan sida Shilpa Shetty, Meezaan Jaffrey iyo Pranitha Subhash u tahay markii ugu horeesay filimkan kasoo muuqanayaan qaybtiisa labaad iyaga ayaa hogaaminayaan waxaana Hungama 2 la daawan doonaa xagaaga nagu soo fool leh.

Haatan Director Priyadarshan wuxuu shaaca ka qaaday in Akshaye Khanna kasoo muuqan doono Hungama 2 asigoo door muhiim ah ku leh balse muuqaalkiisa waa mid marti ah wuxuuna Akshaye dhawaan duubay doorkiisa kooban filimkan ku leeyahay madaama uu muhiim u yahay qaabka sheekada horey loogu wadi lahaa asigoo qaybtii kowaad hogaamiyaha kowaad ka ahaa.

Hungama 2 shactiro badan ayaa laga filan doonaa madaama ay kasoo muuqan doonaan jilaayaasha dhanka shactirada iyo jah wareerka looga haray Johnny Lever, Manoj Joshi, Rajpal Yadav, Tiku Talsania, Ashutosh Rana iyo kuwo kale waana filim uu kusoo laabanayo Director Priyadarshan madaama mudo 8-sano ka badan filim Bollywood ah uusan sameynin filim sameeyahan ku caan baxay aflaanta fariimaha waaqiciga iyo shactirada isku dhex jiro inuu sameeyo inta badan waxaana lagu xasuusan doonaa Hera Pheri, Hungama, Hulchul, Gram Masala, Chupke Chupke iyo kuwo kale.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here