Beeraleyda Hindiya labadii bilood ugu dambeesay waxay ka mudaaharaadayeen ama dibad bax ka sameenayeen cabasho xoogan oo ay ka keeneyn shuruucda beeraha dowlada Hindiya wax ka badashay taasi oo ugu dambeyntii keentay in dowlada dhexe Hindiya dibad baxayaaasha Waqooyiga Hindiya ku nool ee beeraleyda ah inay ka jawaab celiyaan sidoo kalena wada hadalo la bilaabaan.

Advertisement

Balse haatan xaalad kacsan ayaa kusoo laabatay dhanka Waqooyi Hindiya oo beeraleeyda lagu kicinaayo kuna aadan in dowlada balan qaadkii ay u sameesay kasoo baxeyn. Xitaa gabadha heesaaga caanka ah Rihana ayaa baraha bulshada soo dhigtay qoraal ay beeraleyda Hindiya ku garab istaageyso taasi oo keentay in dad badan oo caan ah iyo dowlada kala duwan xukuumada Ra’iisul Wasaare Modi culees xoogan soo saareen.

Haatan Wasaarada Hindiya ayaa qoraal rasmi ah soo saartay kuna sheegtay in baahida beeraleyda dad kale oo calooshood u shaqeestayaal ah ka faa’iideesanayaan sidoo kalena la doonayo in sumcada dowlada Hindiya la dilo oo barabagaando been ah laga abuuro loona baahan yahay inay Hindiya middowda iskana qabato caddowga ku dhex jiraan.

Sidaa darteed jilaayaasha Bollywood-ka ugu awooda badan sida Akshay Kumar, Ajay Devgn, Suniel Shetty iyo filim sameeye Karan Johar ayaa dowlada Hindiya baraha bulshada ku garab istaageen kana dalbadeen taageerayaashooda iyo dadka ku xiran inay u midoobaan ilaalinta sharafka dalkooda sidoo kalena dowlada dhexe Hindiya looga dambeeyo xalinta cabashada beeraleyda qabaan oo aan la dhageesanin kuwa barabagaandada wadaan ee rabaan markale rabshado xoogan dhankaas iyo Waqooyiga Hindiya dib kaga bilaawdaan.

Sidaa darteed dowlada Hindiya ayaa soo dhaweesay garab istaaga ay ka heshay jilaayaasha oo awooda badan oo shacabka jiheen karaan waxayna dalbatay dowlada in la joogo xiligii Hindiya oo idil midoobi laheyd loogana hortagi lahaa barabagaandada laga faafinaayo si dibax baxyadii dhiiga ku daateen labo bilood ka hor dib loo soo celiyo madaama beeraleyda reer Punjab yihiin kuwo mayal adag oo aan gadaal u labaneyn mar haddii la kiciyo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here