Superstar Akshay Kumar filimkiisa Bell Bottom waa mashruucii ugu horeeyay saameeyntii karoonaha inta lagu jiray duubis lagu bilaabay bishii August 2020 kadibna jadwal 45-cisho ah lagu soo gaba gabeeyay ayadoo inta bada magaalooyinka Glasgow iyo London lagu duubay haatana wuu diyaarsan yahay.

Advertisement

Filimka Bell Bottom oo fariinta arimaha sirdoonka iyo basaasnimada ka hadlaayo sheeko ahaana ku saabsan xiligii 80-maadkii ayadoo Akki ku jilaayo basaas Hindi ah oo xiligaas dowlada Hindiya ka caawiyay inay warbixino muhiim ah ka helaan dalal kala duwan waxaana loo duubay si caalami ah.

Maal mihii ugu dambeesay waxaa la isla dhex maraayay in Akshay Kumar filimkiisa Bell Bottom tiyaatarka la saari doonin oo Online ahaan loo daawan doono lagana iibinayo barta Amazon Prime Video oo kooxda filimkan lacago aysan diidi karin miiska usoo saartay.

Balse haatan soo saarayaasha filimkan Jacky Bhagnani iyo Nikhil Advani ayaa sheekadan beeniyeen waxayna xaqiijiyeen in Bell Bottom waqtigii loo asteeyay oo ahayd 2 April 2021 in tiyaatarada gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka laga daawan doono waxayna kooxda filimkan soo dhaweeyeen in tiyaatarada Hindiya haatan albaabada 100% loo furay oo dolwada dhexe Hindiya aqbaartan wanaagsan shaaca ka qaaday.

Filimka Bell Bottom waxaa Akshay Kumar la jileyso atirishada lagu magacaabo Vaani Kapoor waxaana Director ka ah Ranjit Tiwari oo horey u sameeyay filimkii Lucknow Central ee Farhan Akhtar hogaamiye ka ahaa kaasi oo sanadii 2017 la daawaday sidoo kalena fariintiisa la amaanay inkastoo ganacsi ahaan uu guul dareestay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here