Agaasime Vikramaditya filimkiisa xiisaha badan AK VS AK ee la sii daayay 24-kii December 2020 ayaa aad ugi riyaaqayn daawadayaasha.

Advertisement

Filimka oo si gaar ah loogu sii daayay Netflix wuxuu ku guuleystay inuu gaaro tiro badan oo daawadayaal ah
Anil Kapoor iyo Anurag Kashyap fimkee islawadaan ’AK vs AK ayaa kujira liiska 10-ka filim ee ugu daawashada badan 10 dal.

AK vs AK waxaa si aad ah u jeclaaday daawadayaasha aduunka oo dhan waana Hit caalami ah. Sida laga soo xigtay Netflix, wax ka yar hal bil markii la sii daayay, filimka waxaa laga daawaday in ka badan 40 dal oo Netflix User’s badan ee kuleedahay. Marka taa laga reebo, filimku wuxuu si isdaba joog ah uga dhex muuqday liiska 10ka film ugu sareeya ee qaatay cinwaanada ugu daawashada badan 10 dal iyo kabadan oo Netflix laga heli karo.

Filimku wuxuu kahadlayaa safarkii “baadi doon’ Anurag Kashyap, maaddaama uu afduubayo gabadha mid ka mid ah halyeeyada ugu caansan Bollywood-ka, Anil Kapoor. Waxa loodaawanayo ayaa ah baadigoobka rajada yarleh ee uu gabadhiisa ku doonayo Kapoor, maadaama uu la tartamo saacadda. Waxaa Director ka ah Vikramaditya Motwane, AK Vs AK waxaa soo saaray Andolan Films.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here