Agaasime Aanand Rai, oo dhawaan soo gaba gabeeyay duubista filimkiisa lawada sugaayo, Atrangi Re, oo ujilayeen Sara Ali Khan, Dhanush, iyo Akshay Kumar ayaa lagahelay Convid19

Saddexdaan ayaa lawadaagay taageerayaasha sawiro iyagoo ku faraxsan wada shaqeyntii ugu horreysay ee sameeyaan Si kastaba ha noqotee, duubista xaalada ‘COVID-19’ dhab ahaantii waa hawl aad u weyn dad badanna ilaa hadda way saameeyeen shaqada noocaas ah.

Aanand Rai ayaa bartiisa twiterka kuqoray, “Waxaan maanta la igahelay convid19. Kaliya waxaan rabay inaan ku wargeliyo qof walba oo aanan dareemin wax calaamado ah inuu taxadaro. Waxaan karantiil u ahay sida ay masuuliyiintu caafimaadka i fareen. Qof kasta oo dhowaan ila soo xiriiray waxaa lagula talinayaa inuu is karantiilo oo uu raaco maamuuska dowlada.

Waad ku mahadsan tihiin taageerada ”. Agaasimaha ayaa sidoo kale ka qeyb galay xaflada lagu soo gabagabeynayay filmka Atrangi dhowr maalmood ka hor waxaana dadki kaqeybgalay lagula taliyay inay is karantiilaan

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here