Facebook

Advertisement

Addis Ababa (Dalkaan.com) – Ra’iisul wasaaradaha Itoobiya ayaa maanta ka soo muuqday warbaahinta, isaga oo shaki la gelinayey xaaladdiisa caafimaad.

Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii ay soo if-baxeen wararka laga faafiyey caafimaadkiisa waxaa maanta lagu arkay xarunta qalabka dadka naafada ah ee isbitaalka la yiraahdo St. Paul ee caasimadda Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha oo hadal kooban siiyey warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in xaruntan ay howl wanaagsan u hayso ciidamada iyo shacabka wadankaasi.

Horey hay’adda sirdoonka qaranka & nabad-sugidda ee Itoobiya ee NISS ayaa beenisay wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee Iternet-ka ee ku saabsan xaaladda Abiy.

NISS ayaa shaaca ka qaaday in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada geliya wararka marin habaabinta ah ee xaaladda caafimaad ee ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba labadii toddobaad ee u dambeysay ayey soo shaac baxeen wararka laga baahiyey xaaladda Abiy Axmed, kadib markii laga waayey goobaha fagaareyaasha.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here