Aabaha dhalay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa ka dhawaajiyay in ku biirista Manchester United aysan dan u ahayn xiddiga reer Holland.

Marka la eego dhibaatada dhaqaale ee Blaugrana ee muddada dheer iyo ka takhalusida Champions League, kooxda Catalan ayaa loo maleynayaa inay u furan tahay inay iibiso De Jong 2022.

Si kastaba ha ahaatee, Xavi ayaa meesha ka saaray hadal heynta ku aadan inuu ka tagayo xiddigii hore ee Ajax, waxaana ciyaaryahanka khadka dhexe aabihiis John de Jong uu sheegay in cimilada Manchester uusan u dhaqaaqidoonin Old Trafford.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo la hadlaya Algemeen Dagblad , 24-sano jirkan aabbihiis ayaa yiri: ” Inta badan waa cimilo xun halkaas, dabcan waxay ku saabsan tahay kubbadda cagta, laakiin waa arrin muhiim ah.

“Dabcan, waan ogahay in Barcelona ay u baahan tahay lacag iyo dalab weyn oo Frenkie ah ayaa ku caawin kara, laakiin ma arko inay taasi dhacayso waqti dhow, inkastoo, shan kooxood oo Yurub ah ayaa dhamaantood soo wacay.”

De Jong ayaa ku faanay 10 gool iyo 14 caawin 112 kulan uu u saftay Barcelona tan iyo markii uu yimid 2019, qandaraaskiisa Blaugrana ma dhacayo ilaa 2026.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan