waxaan hore idinla wadaagnay warbixin ku saabsan Aktarada Bollywood-ka ka tirsan waxaa hal mar ka badan guursaday oo caan ah sids Aamir Khan, Saif Ali Khan, Sanjay Dutt, Javed Akhtar, Dharmendra, Iyo Kishore Kumar.
Sidaa daraadeed waxaa maanta idinla wadaagi doona jilaayaasha Telegu ka tirsan oo guursaday hal mar ka badan
Fadlan hoos kaga bogo 6- jilaa Telugu Ah Oo Guursaday Hal Mar Ka Badan
Kamal Hassan
Markii aktarkan jiray 24 waxa uu guursaday gabadha lagu magacaabo Vani Ganapathy taaso ahayd macalimad dhanka dance-ga ka waxa ay wada noolaayeen muddo wada laakiin waa ay kala tagayn
ka dib markii Kamal hassan uu jaceyl la bilaabay atariishada lagu magacaabo Sarika taaso sanad ka dib u dhashay atariishada Shruti Hassan ka dibna waxa ay u dhashay Akshara hassan
Jhansi
atariishada Jhansi ayaa waxaa hore u qabay nin iska caadi ah kaaso ay u dhashay labo caruurood ka dib markii ay fanka soo gashay ayaa waxa ay xariir la yeelatay aktarka lagu magacaabo Jagaphati Babu kaaso hadda qaba iyada
PrabhuDeva
aktarkan xirfada badan ayaa waxa uu muddo qabay gabadha lagu magacaabo Ramalatha taaso u dhashay sadex caruurood laakiin labadan lamaane ayaa waxa ay kala tagayn sanadkii 2011
ka dib aktarkan waxa uu xariir la sameeyay dhawr atariisho oo caan ah sida Hansika Motwani isagoo si qarsoodi ah u guursaday atariishada Nayanthara ka dibna muddo ka dib ayay kala tagayn
Prakash Raj
Prakash Raj ( seer rabta ) ayaa muddo ka hor waxa uu guursaday atariishada lagu magacaabo Lalitha Kumari taaso u dhashay sadex caruur oo lagu kala magacaabo Meghana , Pooja iyo Sidhu
laakiin waxa ay sanadkii 2009 go’aansadayn inay kala tagaan ka dib Prakash Raj ( see rabta ) sanadkii 2010 waxa uu shukaansi ku bilaabay gabadha heesaha u sameesa dance ee Pony Verma taaso ugu dambayn uu guursaday
Pawan Kalyan
Super Star Telegu Pawan Kalyan ayaa waxa uu markii hore guursaday Nandini iyagoo wada qaatayn muddo gaaban oo 2 sano waxa ayna kala tagayn sanadkii 2009 ka dib Pawan Kalyan waxa uu xariir la sameeyay gabadha lagu magacaabo Renu desai
taaso la sameesay aflaamta kala ah Johnny iyo Badri iyagoo is-guursadayn waxaana ay u dhashay wiil iyo gabar ka dib markii ay muddo wada noolaayeen waa ay kala tagayn hadda Pawan Kalyan waxaa uu dhaxda gabadha u dhalatay dalka Russia Anna Luzhneva
Akkineni Nagarjuna
Nagarjuna sanadkii 1984 waxa uu guursaday gabadha naqshadeesa dahabka ee lagu magacaabo Laxmi Duggabati iyadoo u dhashay aktar caanka ah ee lagu magacaabo Naga Chaintanya
ka dib sanadkii 1990 waxa uu guursaday Amala Akkineni iyadoo u dhashay aktarka lagu magacaabo Akhil
Source: dalkaan.com