Halyeega weyn ee laga dambeeyo Jackie Shroff kaasi oo ku dhawaad 40-sano fanka Hindiya ku jiro ayaa shalay u dabaal dagay sanad guuradiisa 64-aad wuxuuna dhashay 1 Febraayo sanadii 1957 wuxuuna Jackie kasoo muuqday in ka badan 220-filim oo isugu jiraan aflaan lagu sameeyay luqadaha Hindi, Tamil, Bengali, Marathi, Kannada, Telugu, Malayalam, Punjabi, Bhojpuri, Konkani, Odia, Gujarati, iyo English.

Advertisement

Haddaba waxaan idiin heyna 5-xaqiiqo xiiso badan oo u gaar ah halyee Jai Kishan Kakubhai oo ku magac dheer Jackie Shroff fadlan hoos kaga bogo macluumaadkaas kooban:

Xaqiiqada 1-aad: Jackie Shroff waa qof aad u xishood badan inta badana dadka hortooda marka uu joogo ma hadli karo oo si xariir ah uma hadli karo xitaa hadalada ayaa ka lumaan sidaa darteed wuxuu ku wanaagsan yahay inuu shaashada ka hadlo dhanka filim jilista.

Xaqiiqada 2-aad: Jackie wuxuu jecel yahay inuu marwalbo heeso xiliyada uu firaaqada heesto wuxuuna aad u jecel yahay heesaha ay ku luqeeyeen labada fanaan Hindiya loogu jecel yahay Mohamed Rafi iyo Kishore Kumar. Sidoo kalena Jackie halmar ayuu filimada ka heesay wuxuuna hees ka qaaday filimkiisii Shiva Ka Insaaf.

Xaqiiqada 3-aad: Jackie filimkii ugu horeeyay oo 3D ah Bollywood-ka sameeyeen isaga kasoo muuqday waana filimkii Sviva Ka Insaaf oo sanadii 1985 la daawaday asigoo Jackie ku matalay filimkan Super Hero wuxuuna noqday Super Hit weyn filimkan. Balse Jackie wiilkiisa Tiger Shroff filimkii Super Hero-ga uu ku matalay A Flying Jatt sanadii 2016 la daawaday wuxuu ka noqday mid guul dareestay oo Flop ah.

Xaqiiqada 4-aad: Jackie atooraha uu Bollywood-ka ugu jecel yahay waa Dev Anand wuxuuna nasiib u yeeshay filimkiisa kowaad inuu Dev Anand la sameeyay waana mashruucii Jackie caawiye ka ahaa halka Dev Anand hogaamiye ka ahaa filimka lagu magacaabo Swami Dada. Sidoo kalena Jackie wuxuu aad u jecel yahay atirishadii barisamaadkii Asha Parekh markii ugu horeesay ee uu la kulmayna wuu awoodi xitaa inuu hor istaagi ama uu la hadlo!

Xaqiiqada 5-aad: Inkastoo Jackie Shroff filimkii Ram Lakhan uu ku matalay door walaalka ka weyn Anil Kapoor haddane xaqiiqada dhabta ah waxay tahay in Anil Kapoor hal bil ka badan ka weyn yahay Jackie madaama Anil uu dhashay 24 December 1956 waana 64-jir halka Jackie uu dhashay 1 Febraayo 1957.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here