Janaajo 26-1991, shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxay u dabaal degayeen una sacaba tumayeen Jabhadii hubeysnaa ee talada dalka ka tuuray Dowladdii Milateriga aheyd ee kaliye-taliyihii Marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxda ka ahaa, waxayna shacabku caleemo qoyan ay ku soo dhoweeyeen maliishiyooyin beeleedyo ku mideysnaa Ururkii USC oo guud ahaan la wareegay caasimadii Muqdisho, inkastoo dadku maalintaasi aysan ka fikirin maxaa xiga doona ridistii Siyaad Bare!.

Burburkii iyo mas’uuliyada qaran jabka waagaasi bilowday, dad badan waxay aaminsan yihiin in Jabhadihii hubeysnaa ee bar bar socday kacdoonkii shacab inay u sabab yihiin dhibaatadii dhacday, inkastoo qeyb ay ku leeyihiin burburka qarankii Soomaaliyeed hadana mas’uuliyada koowaad waxaa iska lahaa Taliskii Maxamed Siyaad oo shacabka Soomaaliyeed ku maamulay Caddaalad daro aan ka dhicin dunida inteeda kale iyo nin jecleysi.

Advertisement

Dowladdii Milateriga ee Jaalle Siyaad waxay laheyd samaan iyo xumaan inkastoo shacabka ay ku xasuusan doonaan raadkii uu abuuray taasoo ka dhigtay in Maxamed Siyaad uu noqdo hoggaamiyihii ugu waxqabadka badnaa ee Soomaaliya soo mara, hadana gacmahiisa ku burburiya. 

Markii Soomaaliya ku fashilantay dagaalkii 77 waxaa bilowday kala daadsanaan sababtay in Xukuumaddii Jaalle Siyaad ku dhex milmaan rag xigto hoosaad la ahaa Madaxweynaha ilaa heer Wasiir min Agaasime ,Danjire, ilaa darajada ugu hooseysa , waxaana Dowladdii ay noqotay mid ku kooban hal qoys (Xigto iyo Xidid) oo ku amar ku taagleeya shacabka intiisa kale. 

Caddaaladd darradii iyo eexdii uu abuuray Jaalle Siyaad waxay soo dedejisay in shacabku u adkeysan waayeen gabood falkii iyo xadgudubyadii ay geysan jireen shaqsiyaad ehel la ah Maxamed Siyaad Barre, taasoo dhalisay abaabul iyo kacdoon shacab oo ka bilowday gobolada dalka Soomaaliya.

Kacdoonkii shacabka ee xiligaasi waxaa si hoose ugu faa’iideysanayey oo ku duulayey Siyaasiyiin magac ku leh dalka, kuwaasi oo 15-05-1990-kii ku dhawaaqay kooxdii la oran jiray Maanafeesto, waxayna ujeedadoodu aheyd in ay xilka kala wareegaan Madaxweynihii xiligaasi Maxamed Siyaad Berre, hase ahaatee baaq ay u soo jeediyeen xubnihii ku mideysnaa Maanafeesto oo ahaa in xilka uu wareejiyo Jaalle Siyaad wuu laaday, sidoo kale waxaa mudo shan bilood kadib koox uu hoggaaminayey Gen. Caydiid iyo Axmed Cumar Jees oo Dowladda Ethiopia ay soo abaabushay degmada Mustaxiil kaga dhawaaqeen urur u hanqal taagayey in xukunka laga tuuro Jaalle Siyaad.
30-12-1990-kii dagaalkii looga taqalusay Dowladii uu hoggaaminayey Jaalle Siyaad ayaa dhacay, waxayna ciidamadii qalabka siday ay awoodi waayeen in ay riixaan Jabhado aan aqoon milateri iyo xeelad dagaal midna heysan, waxayna afka dareen jabhadihi ciidamadii qaranka Soomaaliyeed ku tashanayey oo isugu geeyay degmooyinka Shingaani, Xamar Weyne iyo Wardhiigley.

Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad wuxuu aragyey in ujeedadu ay tahay xilka ka deg hana la dhiso dowlad caddaalada ku saleysan,  bishii Janaayo 1991-kii bilowgeeda ayuu magacaabay guddigii Sulux oo ka koobnaa 75-xubnood si loo wada hadal siiyo Dowladda iyo Jabhadaha, waa xili xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen, waxaana guddigaasi shirkoodii ugu horeeyay uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo ay kula shireen Ra’iisul Wasaarihii ugu danbeeyay ee bishii Janaayo 7-deedii u magacaabay Siyaad Barre, kaasoo ahaa Cumar Carte Qaalib, shirkii labaadna guddigii Sulux iyo Hoggaamiyeyaasha Jabhadaha ay ku yeesheen hotel Towfiiq xaruntii USC ay ka duulaan tegi jirtay, waxba kama soo bixin.

Maalintii Fagaxda Siyaad Barre

26-kii Janaayo 1991-kii Maxamed Siyaad wuxuu isaga huleelay Kursigii mudada uu ku fadhiyay ee yiil Villa Somalia, xili habeen ah ayaa isaga iyo eheladiisii iyo wixii kale ee ku macangagay Madaxtooyada ay baxeen iyagoo ku socday Taangiyadii Qaranka lahaa, waxaana taladii Muqdisho ay u gacan gashay Jabhadihii hubeysnaa, halkaasina uu ka bilowday burburkii Qarankii Soomaaliyeed oo qeyb libaax leh uu ku lahaa Jaalle Siyaad.

Maxaa xigay xukun ka tuuristii Jaalle Siyaad?

Isbeddelkii sidii la moodaayay uma sameysmin. Rajo xumo kale ayaa soo korortay. Guulihii ay xaqiijiyeen Jabhadihii riday awooddii kaligii talisnimada ayaa foodda isla galeen. Ma jirin barnaamij qeexan ee la isla qaatay, kaasoo ah maxaa la sameeyaa Siyaad Barre kadib. 

Kooxo ganacsato ah iyo dulaaleey ah ayaa Xamar kaga dhawaaqday Dowlad iyaga kaliya ka kooban. Kooxdaan Sheegatay inay xukunka la wareegeen ayaa ku dooday inay arrintaas u sameeyeen oo kaliya, ay tahay, “qarashkii kaga baxay kacdoonkii dadweynaha inay ku beddesheen  awoodihii qaranka”.

Laakin koox kale ee isla USC ah ayaa arrintaas ku gacan seertay. Waxaa bilaabmay dagaal hor leh, si weynna loogu hoobtay, burbur iyo kala qax aan horay loo arag ayaa lala kulmay. Dhanka kalena, Gobaladii Waqooye (Jabhaddii SNM) ayaa iyagana, iyagoo isu arkaaya inaan lala tashan,  waxay ka caroodeen wixii Xamar ka dhacay.  Maajo 18, 1991 ayay ku dhawaaqeen inay ka go’een, kana baxeen midowgii  Somalia, waxay ku dhawaaqeen waxa  lagu magacaabay Jamhuuriyadda gooni isu taagga ah ee SoomaliLand.  Siddeed Sanno ka dibna,  SSDF oo beri hore Siyaad Barre Qabri dhigay ayaa iyagoo reer aaqiraad ah ka hinaasay  Soomaalileyntii wixii ay sameeyeen. Waxay iyagana Garowe ka sameeyay maamul beeleed xag jir ah oo la magac baxay Puntland.

Dalka ilaa hadda wuxuu ka dambeeyaa inuu ka jiro hardan qabiileed siyaasadeysan oo si fool xun u wiiqay karaamadii Madaxbannaanida iyo Midnimadii Qaranka , Firqooyin diini ah iyo Argagixiso xag jir ah oo aad u naxariis darran, Nidaamka awood beel wax ku qaybsiga ee 4.5, Dastuur qabyo qoraal ah oo la dagay masiirkii iyo himilooyinkii ummadeed iyo maamulo xag jir qabiileed, qaarkoodna isu mahadiyay inayba ka awood weyn yihiin midda dowladda Dhexe oo adduunku u aqoonsan yahay inay tahay dowlad kaliya ee sharciga ah, matashaana dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed,  lehna xuquuq aasaasi ah iyo qiyam la siman midda duwalka adduunka. 

Ilaa hadda muddo rubuc qarni ku siman, redistii heeryadii kalagii talisnimada kadib, ma muuqdaan natiijooyin wax ku ool ah, una  adeegaaya in la helo nidaam dowladeed dhammeys tira ah. Waxaa kala dhantaalan siyaasadihii dowladda iyo danihii amaankii Qaranka oo ay ku hor gudban tahay ixtikaar baaxad leh oo ay sameyesteen shisheeyaha danaha kala duwan dalka ka leh, gaar ahaan kuwa dariska ah oo faragelin qaawan ee joogta ah la soo taagan.

Ilaa hadda arrimahaas waxay u dhacaayaan, Soomaaliyana la il darran tahay waa wixii ka yimid natiijooyinkii caddaalad darrada iyo qaabkii kale colaadaha ku dhisnaa, uu dalkana ku maamaamulaayay kaligii taliyihii araxanka darnaa ee Siyaad Barre. 30 sano kadibna waxaa soo ifbaxay kaliye taliye jecel nidaamkii Siyaad Barre in dalku ku hoggaamiyo, dowladdihii burburka kadib madaxdoodii ka horeysayna wadadii ay qaadeen ee dimoqraadiyada ka weecanaayo, taasoo welwel iyo walbahaar ku abuurtay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo waayo u joog u ahaa fagaxdii Siyaad Barre 26-kii Janaayo 1991-kii.

Gabagabadii qoraalkeyga xusuusta qaran jabkii Somalia waxaan ku soo gunaanadayaa tusaalooyin muhiim ah oo xalka Soomaaliya furo u noqon kara hadii la raaco taasoo ah in la maro wadooyinkii ay mareen hoggaamiyeyaashii Afrika iyo dalalka kale ay ku nabadeeyeen dalalkooda kuwaasoo ay ka mid ahaayeen hoggaamiyihii South Africa Nelson Mandela oo ka mid ahaa dadkii u soo halgamay xorriyada dadka Madowga, aaqirkiina ku guuleystay inuu noqdo Madaxweynaha dalkaasi, isagoo ku baaqay in xalay dhalay laga noqdo wixii gabood fal ahaa ee dalkaasi ka dhacay, lana dhiso guddi ka shaqeeya dib u heshiisiinta iyo isweydiinta wixii gabood fal ah ee dhacay, kuwii falalka foosha xun geystayna waxaa loogu baaqay in ay qirtaan wixii ay geysteen si loo cafiyo, tallaabadaasi oo ilaa hadda dalka South Africa ka dhigay dalka Africa ugu horeeyo dhinac walba.

Ali Muhiyaddiin
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Dalkaan.com. Dalkaan.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here