Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC ayaa wada hadalo la leh hadda wafdi sare oo kasocda dawladda Itoobiya, kaas oo horey u soo maray magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweynaha Somaliland iyaga oo gudbiyey halka arinta lascaanood oo ah in Somaliland ay ciidamadeeda labaxdo.
Labada dhinac ee Itoobiya & Isimadda dhaqanka ee SSC ayaa ka wada hadlaya dagaalka Laascaanood, xili ay Itoobiya dadaal ku bixinayso in xabada la joojiyo, lana abuuro jawi nabadeed oo labada dhinacba ay doonayso in ay hirgaliyaan.
Somaliland ayaa wararku cadeynayaan in ay qorsheynayso weerarkii 6aad oo ay markale doonayso, in ay kuqabsato Laascaanod maalmaha nagu soo wajahan lkn dhinaca kale Dadka deegaan sigaar ah Xoogaga SSC ayaa iyaguna ku hamineya gacan ku dhigida Hubka kujira Xerada Gooja Cadde ee hadda gacanta ugu jira Mileeshiyadaka Soomaalidiidka.
Golaha aaya kataliska SSC ayaa haatan kujira wax walba oo dadaal ah oo ay ku wajahayaan damaca maamulka Hargeysa waxaana marba marka ka dambeysa lascaanood gaareya Gurmad xoogan oonka socda Beesha Darood.
By Cabdi wahab Aadan.