Tareenka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la ciir ciiraya shaqsiyaad aan ku habooneen kuwaa oo qaribaya hadda islamarkaana fashilinaya siyaasadda madaxweynaha.
Waxaa sii xumaanaya khilaafka madaxweynaha iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada sidoo kale waxaa gaabis uu soo galay howlgalkii ka dhanka ahaa Al shabaab iyadoo amnigii caasimadana uu sii xumaaday.
Waxaa dhanka kale madaxweynaha ku kacay dhowr qabiil oo Hawiye ah iyadoo Digil iyo Mirifle ay ugu sii darsameen kuwaa oo quus sii gelinaya wax qabadka DFS.
Arrimaha ugu waa weyn ee dowladda ka soco la’dahay ayaa ah laba qof oo kawada tirsan xisbiga Daljir oo gadaal kaga soo biiray xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh.
Shaqsiyaadkan ayaa hadda xilal waa weyn ka haya DFS kuwaa oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha Axmad Macalin Fiqi iyo wasiiru dowladaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari kuwaa oo dowladii dhameyd kawada dhigay mashruuc iyo dano shaqsiyadeed in laga shaqeeyo.