Alfanaan legand Durdur band. Cabdinuur Aadan Isaaq ” Daljir ” ayaa sheegay in Naadiga Arsenal oo uu ilaa Barisamaadkii Taageeri jiray ay ku Guuleysan doonto insha alah Horyaalka Ingiriiska 2022-2023.

” Waxaa Ii muuqda indhaha arsenal ay ku qaadeyso.Horyaalka ingiriiska 2022-2023 iyo weliba Koobka Champions league 2023-2024 hadiii alle idmo ” ayuu yiri Fanaankii Caanka ahaa ee Kooxdii Durdur band Cabdinuur Daljir oo intaas ku daray in mudo ku dhow 19 sano arsenal laga hortaagnaa hanashada Horyaalka balse xili ciyaareedkaan uu yahay xili ciyaareedkeedii Koobka Horyaalka ingiriiska isagoo xusay inay dib u xasuusteen Tageerayaasha arsenal ee uu ka mid yahay xiligii Koobka ugu dambeysay ee 2003-2004.

Alfanaan legand Cabdinuur Aadan Isaaq Daljir waxa uu u rajeeyay xidigaha arsenal iyo macalinkooda arteta inay hantiyaan Koobka Horyaalka ingiriiska oo ay qarka u saaran yihiin.

Sanooyinkii la Soo dhaafay ee ka Dambeeyay 2004 waxaa Horyaalka ingiriiska qaaday Kooxaha Man utd ; Liverbool ; Chelsea iyo Man city oo ku ceshceshatay marka kooxahaasi sanadkaan ha samraan Waa sanadkii arsinaale ayuu so kaftan ah u yiri alfanaan Daljir