Madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in dalkiisa uusan daneyneyn inuu dib ugu laabto siyaasadihii hore ee faragelinta arrimaha Africa.
Mar uu ka hadlayay Gabon oo bilow u ah safar uu ku tagayo afal dal oo ka tirsan qaaradda Africa, ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisa uusan faragelineyn siyaasadaha gudaha.
Faransiiska ayaa muddo dheer wajahayay dhaleecayn ah inuu taageero hoggaamiyeyaasha kali taliska ah si uu ugu qanciyo danihiisa dhaqaale.
Waxaa uu in badan toban sano hoggaaminaysay dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro xoohgagga islmaayinta ee ka dagaalama Galbeedka Afrika.
Laakiin saameyntiisa ayaa sii wiiqmeysa gaar ahaan ka dib markii hogaamiyayaasha militariga ee Mali iyo Burkina Faso ay ku amreen ciidamada Faransiiska inay ka baxaan dalka – iyagoo ku bedelay askar calooshood u shaqeystayaal oo Ruush ah
Office Nairobi Kenya