Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa xiisaynaysa weeraryahanka kooxda Chelsea ee Timo Werner waxaana la filayaa inay u dhaqaaqaan suuqa bisha January, 25 sano jirkaas ayaa kaliya afar kulan Premier League kusoo bilawday xilli ciyaareedkan. (Marca – in Spanish)

Manchester City ayaa iska caabin doonta bisha January xiisaha Barcelona uga imanaya xiddigeeda Raheem Sterling oo kaliya saddex kulan Premier League kusoo bilawday xilli ciyaareedkan. (ESPN)

Wararka ugu Xiisaha Badan

Sterling ayaa u furan inuu heshiis amaah ah ugu wareego Barcelona (Times – subscription required)

City ayaa sidoo kale diyaar u ah inay bisha January markale tijaabiso kooxda Tottenham iyada oo dib u doonaysa Harry Kane oo ay suuqii xagaaga ku fashilantay saxeexiisa. (ESPN)

Leicester tababaraheeda Brendan Rodgers ayaa hoggaaminaya afar tababare oo Ole Gunnar Solskjaer ka bedeli kara Manchester United. (Mail)

England tababaraheeda Gareth Southgate ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub oo uu sanadkii mushahar 5 Milyan oo pound ah ku qaadanayo saxeexo taas oo ka dhigan inuu ilaa Euro 2024 hoggaamin doono xulkaasi. (Telegraph – subscription required)

Xiddigii hore ee kooxaha AC Milan, Rangers iyo xulka Talyaaniga ee Gennaro Gattuso ayaan wali ka dhammaan kooxdaasi Rangers waxaana lala xidhiidhinayaa inuu Steven Gerrard bedeli doono. (Times – subscription required)

Chelsea garabkeeda Hakim Ziyech ayaa ku biiri kara Borussia Dortmund bisha January 18 bilood kaddib markii uu 33-ka Milyan ee pound ugu soo biiray Blues. (Mirror)

Sevilla ayay ka go’antahay inay ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan haysato daafaca dhexe ee Jules Kounde walow uu xiiso ka helayo Manchester United. (Marca – in Spanish)

Tottenham ayaa xiisaynaysa weeraryahanka Club Brugge ee Charles de Ketelaere balse waxay tartan 20 sano jirkaas ah kala kulmaysaa AC Milan. (Calciomercato – in Italian)

Wolves garabkeeda weerar ee Adama Traore ayay doonaysaa kooxda Valencia. (Sun)

Diogo Dalot ayaa rajaynaya inuu Man United sii joogo walow uu xiiso ka helayo Roma oo uu maamulo tababarihii Old Trafford keenay ee Jose Mourinho. (Caught Offside)

Dean Smith oo ay Aston Villa Axadii hore caydhisay ayaa la wareegaya kooxda Norwich City isaga oo kaga horreeya Frank Lampard. (Sun)

Dean Henderson ayaa doonaya inuu iskaga tago Man United kaddib markii uu booska goolhayaha dookha 1-aad kala bixi waayay David De Gea isaga oo xilli ciyaareedkan oo dhan 1 kulan ugu soo bilawday Red Devils (Mail)

Paulo Fonseca ayaan iska dhiibin riyadiisa ah inuu maamulo kooxaha Premier League walow uu waayay shaqooyinka Newcastle United iyo Tottenham. (Sun)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here