Photo/getty image

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay tijaabin doonto Harry Kane mar kale bisha Janaayo iyadoo rajeyneysa gudoomiyaha Tottenham Daniel Levy inuu hoos u dhigo 150ka milyan ginni ee uu ku doonayo.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa isku dayday inay Kane ku soo jiidato Etihad xagaagii hore, laakiin ma aysan buuxinin dalabaadka Spurs ee kabtanka England.

Laakiin sida laga soo xigtay  ESPN , City ayaa ku soo laaban doonta 28 jirka bisha Janaayo waxayna rajeynayaan Levy inuu ogolaanayo.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Tababaraha cusub ee Spurs Antonio Conte ayaa la siiyay dammaanad ah in Kane uu ku jiri doono qorshihiisa hore.

Laakin hadii ay soo bandhigto dalab weyn, Levy ayaa lagu qasbidoonaa arintan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here